La xiriir maamulka dowladda hoose Norrköping

Soo-dhowoow nalaga soo xiriir Xarunta adeegyada xiriiryada Kontakt Norrköping – oo lagala soo xiriir karo wixii su`aallo ah

Xarunta adeegyada Kontakt Norrköping waxay kugu hagaysaa maamulka dowladda hoose ee Norrköping. Waxaad ka heleysaa jawaabta su`aallo tiro badan, xitaa xal u helista dhowr arrimood. Haddii su`aalahaaga aan ka jawaabi karin, waxaan kula xiriirin doonaa qof kale oo arrinta ka caawini karo.

Anaga waxaan u adeegna dhammaan shicibka magaalada Norrköping ku nool, shirkadaha ka ganacsada, booqasheyaasha iyo kuwa kale oo ku talo jiraan in maamulka magaalada la xiriiraan. Siyaabaha adeegga loola xiriiri karo waxaa ka mid ah khadka taleefanka, miiska soo daawaynta Förvaltningshuset Rosen, e-mail ama Facebook.

Caawinaadda aan Xarunta adeegyada Kontakt Norrköping ka heli karo maxay tahay?

Xarunta adeegyada Kontakt Norrköping waxay ka caawini kartaa sida loo codsado adeegyada guryaha hemtjänst, ama ubadkaaga aad boos ugu hesho goobaha xannaanadda, ama in tallaabo laga qaado godka waddada oo aad isha ku dhufatay.

Xarunta waxaa caawinaad ka heli karo dadka dhowaan dalka yimi oo carruurtooda iskuul bilaabi doonaan. Kaddib markii aad u soo guurtaan magaalada Norrköping, waxaa muhim ah in sida ugu dhaqsi badan aad carruurtiina iskuullada ku qortaan.

Waxaan heegan u nahay in aan idin dhagaysano, tixgelinno aragtidiina oona hagid idin siinno. Soo-dhowoow, nalaga soo xiriir wixii su`aallo ah!

Adeegso farsamada casriga markii aad nala soo xiriirayso 011-15 00 00

Markii aad nala soo xiriirayso adeegso farsamada casriga ee taleefoonada, kaddib sidaas ayaa arrintaada nagu wargelin kartaa. Kaddib si dhaqsi badan ayaad heleysaa jawaabta su`aashaada waayo toos ayaa lagula xiriirin doonaa hawlwadenaha ay arrinta khuseeyso. Waxaa kaloo suuraggal noqon kara in cod ahaan af-ingriisi farinta lagugu akhriyo.

Waxaa kala xulanaysaa haddii arrintaada ay ku saabsan tahay:

  • Daryeel-caafimaadeed iyo xannaanadda waayeellada (Vård och äldreomsorg), gaadiidka itaaldarrada (färdtjänst) iyo kormeeraha da`yarta (överförmyndare).
  • Taageero-dhaqaaleed (Ekonomiskt bistånd).
  • Wargelinta arrimaha laga walwalsan yahay iyo arrimaha bulshada (Orosanmälan och sociala frågor).
  • Dhismaha, bay`adda, barkin iyo wargelinta cilladaha (Bygg, miljö, parkering och felanmälan).
  • Waxbarashada, xannaanadda carruurta iyo arrimaha gaadiidka iskuullada (utbildning, barnomsorg och skolskjutsfrågor).
  • Arrimaha macaamiisha, ururrada/danwadaageyaasha iyo kiraysashada goobaha (Konsumentfrågor, föreningsliv och lokaluthyrning).
  • Arrimaha ganacsiga (Näringslivsfrågor).
  • Arrimaha dalxiiska (Turismfrågor).
  • Haddii aad doonayso in mar labaad aad dhagaysato kala xulashada waxaad jag-siisa lambarka 9:aad.

Adeegyada taleefoonada ee loogu talagalay dadka itaaldarran
Golaha arrimaha boostada iyo taleefoonada Post- och telestyrelsen wuxuu lacag la` aan caawini karaa dadka itaaldarran, in ay nalaga soo xiriiraan iyagoo isticmaalayo adeegyada dhexdhexaadinta sida taleefanka hadalka, taleefanka ereyada iyo taleefanka sawirrada (Teletal, Texttelefoni iyo Bildtelefoni). Af-ingriisi ayaa Golaha arrimaha boostada iyo taleefoonada Post- och telestyrelsen lagula xiriir karaa.

Faahfaahinta xiriirka


Kontakt Norrköping

Norrköpings kommun

Förvaltningshuset Rosen
Trädgårdsgatan 21
602 42 Norrköping

011-15 00 00
U soo dir e-mail

Saacadaha booqashada:
Isniin-jimce 08.30-16.00

Saacadaha taleefan soo dirida:
Isniin-jimce 08.00-16.00